Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay natiijada baaritaano horudhac ah oo laga sameeyay weerar Bam-gacmeed ah oo laba habeen kahor lagu weeraray guri uu deganaa sarkaal ka tirsan NabadSugida Galmudug.
Howlgal laamaha amniga Booliska Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ay ka sameeyeen Guriceel ayaa waxaa lagu soo qabtay badan oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay halkaas.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalo uu Taliska Booliska Galmudug uu ku doonayo inuu dib ugu furo Masaajido ku yaalla Guriceel oo xiran, kuwaasi oo muran uu ka taagan yahay, ayna isku heystaan dhinacyo kala duwan.
Saraakiil ka tirsan Booliska Galmudug ayaa sheegay inay haatan ku howlgan yihiin sidii kulan furan la isugu keeni lahaa dhinacyada isku diidan aragti ahaan Arrinta Masaajida, waxaa lafilayaa in Odayaasha, Culumada iyo Saraakiisha Booliisku arinkan aad uga wada hadlaan, iyagoona soo saari doona Go’aan ku aadan arrintaas.
Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday howlgal kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga Magaalada, kadib markii weerar lagu qaaday Guri uu halkaas deganaa Cabdullaahi Cabdi Raage oo ah Saraal ka tirsan Nabadsugida Galmudug.