Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, iyadoo fadhiga ay kasoo xaadireen kaliya 87 xildhibaan, halka uu kooramka rasmiga ah ahaa 139 mudane.
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa si kulul ugu baaqay xildhibaannada maqnaa in ay xil iska saaraan waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna si joogto ah uga soo qeyb galaan fadhiyada baarlamaanka.
“Waxaa nasiib darro ah in shaqadii Golaha marar badan dib u dhac ku timaado sababo la xiriira maqnaanshaha xildhibaanno aan muujin xilkasnimo. Waxaan ugu baaqayaa kuwa dalka dibadda uga maqan in ay si degdeg ah u yimaadaan Muqdisho oo ay waajibaadkooda gutaan,” ayuu yiri Abshirow.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in haddii aan xildhibaannadu kasoo qeybgeliin kulanka xiga ee Arbacada, la yeerin doono magacyadooda si dadweynuhu u ogaadaan cidda ka maqan fadhiyada baarlamaanka.
Ajandaha kulanka maanta oo baaqday ayaa ahaa akhrinta labaad iyo coddeynta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo marar badan ay kulamada Golaha Shacabka dib u dhac ku yimaadeen kooram la’aan darteed, taas oo caqabad ku noqotay hawl-fulinta golaha