Kulan dhexmari lahaa Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Denmark oo Baaqday

Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa ka baaqday kulan sii qorsheynaa oo uu la yaalan lahaa Ra’iisal Wasaaraha dalka Denmark Mette Frederiksen. Sababta ayaa la sheegay in RW-ha Denmark ayna Madaxweyne Trump kala hadli doonin suurto galnimada in Maraykanku uu iibsado dhulka Greenland.

Fariin dhinaca twitterka ayaa madaxweyne Trump uu ku yiri: “Denmarka waa dal gaar ah oo dad wanwanaagsan leh, hase yeeshee, maaddaama Ra’iisal Wasaare Metter Frederiksen ayna daneynin in ay ka hadasho inaan Greenland iibsano, xilli kale ayaan dib ugu dhigayaa kulankii noo qorsheysnaa ee labo toddobaad ka dib dhici lahaa.”

Trump ayaa xiliyadii dambe ka hadlayey fikradda in Maryakanku uu dalka Denmarka ka iibsado dhulka Greenland. Axaddii toddobaadkan ayuu sheegay in Denmark ay dhulkaas leedahay, Maryakanka iyo Denmarkna ay xulufo wanaagsan yihiin.

Madaxda dawladda Denmark ayaa durbadiiba ka jawaabay oo sheegay in jasiiraddu ayna iib aheyn.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media