Kulan dhex maray Ra’iisul-wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug

Waxaa xalay magaalada Cadaado gaar ahaana xarunta madaxtooyada KMG ah ee maamulkaas kulan ku yeeshay ra’iisul-wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.

Kulankaan oo ahaa mid albaabadu ay u xirnaayeen ayaa qaatay saacado badan waxaana intiisa badan looga hadlay khilaafkii waqtiga dheer soo jiitamayay ee Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo doorashooyinka maamulkaas.

Maalmihii la so dhafay ra’iisul-wasaare Kheyre oo ku sugnaa magaalada Cadaado waxa uu kulamo joogta ah la qaadanayay odayasha dhaqanka iyo madaxda maamulka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media