Kulan aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Manhajka (Sawirro)

Waxaa labadii (2) maalin ee ugu danbeysey la qabtey aqoon-is-weydaarsi
ku saabsan Manhajka. Waxaa looga hadlayay fursaddaha ku jira iyo
xiriirka ka dhexeeya maadooyinka uu ka kooban yahay Manhajka
taariikhdu markey aheyd 25-26 Feb 2015 oo lagu qabtey Magaalada
Cadaado, Dowlad Goboleedka Ximan & Xeeb, Gobolka Galgaduud, Somaliya.
Ujjeedada kulankaasi wuxuu ahaa sidii loo dhiiri-gelin lahaa in
manhajka waxbarashada la raaco sida:
*    In laga hadlo muhiimada koowaad ee uu leeyahay Manhajka in la raaco
*    In la qeexo oo la raadiyo Xiriirka ka dhexeeya maadooyinka Manhajka ;
*    In la wadaago Xiriirka ka dhexeeya maadooyinka ku jira Manhajka ;
Mudane Axmed Xusen Kheyre, Xoghayaha Waxbarasha ee Gobolka ayaa
sheegey ahmiyadda ay leedahay kulankan iyo sida ay macalimiinta uga
faa’iideysan karaan manhajka. Wuxuu sheeg in laga doonayo macalinka
inuu tixraac ku sameeyo manhajka xili walba ee uu cashar diyaarin
sameynayo.
Mudane Cabdulahi Cabdiraxman Xusen, Duqa Magaaladda Cadaado ee
Maamulka Ximan iyo Xeeb Gobolka Galgaduud ayaa isagana dhankiisa
sheegey in loo baahan yahay in Bahda Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka
ay iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa isticmaalka manhaj
mideysan ee dhamaan dugsiyadda ay ka siman yihiin.
Xubinno ka tirsan Ururka Wadaniga ee U-dooda Waxbarsho Loo Dhan Yahay
ee “Education For All Somalia – EFASOM”, Mudane Maxamed Muxumed Cali
iyo Marwo Farxiyo Cali Osman ayaa dhan kooda sheegey ahmiyadda loo
agaasimey kulankan inuu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa isticmaalka
manhajka si uu ardayga u helo waxbarasho tayo leh.
Dhanka ka soo qeyb-galayaasha waxaa u Hadley Marwo Aamin Ahmed Xalane
oo sheegtey in kulankan 2-da maalin ahaa ay wax weyn ka korosadeen.
Ugu danbeyntii waxaa ururka wadaniga ah ee u-dooda Waxbarasho Loo Dhan
Yahay (Education For All Somalia – EFASOM) ay soo saartey
Warsaxaafadeed ay ugu baaqeyso dhamaan:
1.    Maamulayaasha Dugsiyadda iyo Macalimiinta
2.    Bahda waxbarashada ee Gobolka
3.    Maamulka Ximan & Xeeb
4.    Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlada Federaalka ah
Waxaan ugu baaqeynaa in la iska kaashado sidii loo sare loogu qaadi
lahaa tayada waxbarashada dhalaanka soomaaliyeed iyo macalimtooda.

ah1 ah2 ah3 ah4 ah5 ah6 ah7 ah8 ah9

Waa mahadsan tihiin.

Waxaa diyaariyey: EDUCATION FOR ALL SOMALIA,
Email: [email protected], www.efasom.org, Taariikhda: 26-Feb-2015

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor