Kulan ammaanka ammaanka looga hadlay oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaay, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmad Firiin iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa kulan dardaaran iyo bogaadin ah oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimadda la qaatay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir Iyo saraakiisha Laamaha Amniga.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida, waxaana madaxda iyo Saraakiisha kulankan ka hadashay ay si wadajir u amaaneen hey’addaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka sidii wanaagsaneyd oo ay Amniga Caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor