HomeWararKulan aan caadi ahayn oo ay caawa yeesheen Golaha Wasiirada ayaa laga...

Kulan aan caadi ahayn oo ay caawa yeesheen Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray Qodobo

Date:

Related stories

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

South West State Election Faces Imminent Delay

Meanwhile, several politicians are vying for the South West State presidency. The race is notably contested between the JPS party led by Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud and other candidates seeking the position.

Somalia Sets Sail for a Blue Economy Revolution

In a landmark ceremony yesterday in Mogadishu, President Hassan Sheikh Mohamud announced a strategic national shift to prioritize the country's immense, untapped marine resources, revealing that Somalia’s sea is twice the size of its land and will now form the backbone of economic development.

Baydhabo Janaay: Guddiga Doorashooyinka oo u diyaar-garoobaya wejigii ugu muhiimsanaa ee doorashooyinka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Baydhabo ka bilaabay qorshihii lagu diyaarinayay shaqaalaha maamuli doona doorashada 'Qof iyo Cod'.
Page1

Falkii Wuxuushnimo ee “Central Hotel”

Muqdisho, February 20, 2015…Kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada, uuna kala soo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa looga arrin saday weerarkii argagixiso ee duhurkii Jimcaha 20 February, 2015 lagu qaaday “Hotel-ka Central” oo ay markaas ku sugnaayeen shacab iyo masuuliyiin salaadda Jimcaha ku tukanayey masaajid ku dhex yaala Hotel-ka.

Falkaas argagixiso waxaa loo adeegsaday gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo nafti halige is qarxiyay. Dhacdadaas argagixiso waxaa ku geeriyooday 25 qof inta la xaqiijiyay oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin, kana mid yihiin 2 Xildhibaan, Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Banaadir, masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Xafiiska R/Wasaaraha. Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay 40 qof oo u badan dhaawac fudud, uu kamid yahay R/Wasaare ku xigeenka, mudane Max’ed Cumar Carte iyo dad kale oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin.

Shirka aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirrada waxaa lagu go’aamiyey:

1. Cambaareyn weerarkii wuxuushnimo ee lala beegsaday shacab iyo mas’uuliyiin dawladda.
2. U tacsiyeyn Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelladii dadkii ku geeriyooday falkaas argagixiso.
3. Dhisid guddi Wasiirro oo ka kooban, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga howlgalaan taakuleynta dadka ay waxyeeladu soo gaartay.
4. Dhisid Guddi Amni oo hormuud ka yihiin, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, kaasoo baaritaan kusoo sameynaya falkii argagixiso, si loo qaado tallooyinka xiga.

Falalka argagixisinimadu ma wiiqayaan kalsoonida shacabka iyo dawladda sidii dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaali lahaa loona gaari lahaa ciribtirka argagixisada.

—Dhammaad—
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Twitter: @SomaliPM, @axmednuur

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories