Taliye Sare oo ka tirsan Ururka Al-qaacida ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday Gobalka Idlib ee W/galbeed ee dalka Syria.
Sarkaalka la dilay ayaa la oran jirey C/llaahi Maxamed Rajab C/raxmaan, kaasi oo la sheegay inuu ahaa Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Ururka Al-qaacidda, Ayman Al-zawaahiri.
Wararka ayaa sheegaya in weerar lala beegsaday gaarigiisa maalintii Axadda ee la soo dhaafay.
Ninkaasi oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Masar ayaa waxaa kaloo loo yaqaanaa Abu Al-khayr Al-masri, wuxuu aad ugu dhawaa Hoggaamiyihii geeriyooday ee Al-qaacida, Usaama Bin Ladin, waxayna Maraykanka sheegaan inuu ku lug lahaa Qaraxyaddii lala begsaday Safaaradihii Maraykanka ku lehaa dalalka Kenya iyo Tanzania sannadkii 1998-dii.
©Radio Dalsan