• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha: “Kooxda nabad-diidku waxay quus ka taagan yihiin nolosha, waxayna qaraxyo kusoo rakibeen caruur aan qaan gaar ahayn”

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 15, 2015
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter
Page1

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha: “Kooxda nabad-diidku waxay quus ka taagan yihiin nolosha, waxayna qaraxyo kusoo rakibeen caruur aan qaan gaar ahayn”

Muqdisho, 14, April, 2015….Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii Argagixiso ee kooxda Al-shabaab ay maanta duhurkii ku qaadeen Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare, halkaas oo ay dagan yihiin Wasaarado ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in kooxaha weerarka gaysatay ay ku dhufteen Gaari wax yaalaha qarxa ka buuxaan darbiga Wasaaradda oo ku dhagan yahay Masaajid, halkaasna waxaa isla markiiba ku naf waayey dad u socday salaada duhur.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sidoo kale xusay in weerarka ay fuliyeen 6 nin oo hubaysan, isla markaana ay dagaal qaraar kala hor yimaadeen ciidamada ilaalada ka ahaa Wasaraada, waxayna ku guulaysteen in ay ka hor istaagan iney soo galaan wasaarada, dhamaantoodna goobta ayaa lagu dilay.

“Weerarkan wuxuu ahaa mid lagu guul daraystay oo aan laga gaarin ujeedkii laga lahaa, wax yar kadib weerarka Argagixiso, ciidamada amniga ayaa goobta gaaray, waxayna xireen dhamana wadooyinka soo gala Wasaaradda, iyagoo ku guulaystey iney gudaha u galaan si baaritaan loogu sameeyo xarunta uu weerarku ka dhacay”

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri “weerarkan Argagixiso waxaa ku geeriyooday labo ka tirsan ciidankii Ilaalada ka ahaa Wasaarada, 8 qof oo shacab ah oo salaada duhur ugu socday Masaajid ku dhegan darbiga gaarigu ku qarxay, iyo 7 kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday. Waxaa isla markiiba la howl galiyey Gawaarida Gar Gaarka Caafimaadka, (Ambulance), iyadoo ciidamada khaaska ah ay bilaabeen iney ka daad gureeyaan goobta dadkii ku dhaawacmay”

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay socdaan baaritaan ku aaden sidii uu weerarku u dhacay, iyadoo dhawaan ay dowladdu soo bandhigi doonto natiijada kasoo baxda weerarkaasi.

“Kooxda nabad-diidku waxay quus ka taagan yihiin nolosha, weerarka noocaan ah wuxuu calaamad u yahay inuu dhacay gabalkii Argagaxisadu, Ciidadadeena kala duwan waxay sii wadayaan ugaarsiga kooxahaan dhiigyo cabka ah”

Ku simaha Ra’iiusl Wasaaraha ayaa bogaadiyey ciidanka amniga dalka oo sameeyay horumar wax-ku ool ah. Wuxuuna dhanka kale tacsi u diray qoysaskii ay ka dhinteen naftood hurayaasha ka tirsan ciidanka aminiga iyo dadkii rayidka ahaa ee halkaasi ku geeriyooday samir iyo imaan ka siiyo kuwii ay jeclaayeen, ugana baryey kuwii ku dhintay in Ilahay ka waraabiyo Janatul Fardowsa, kuwii dhaawacmayna siiyo caafimaad taamah. Wasiirka ayaa xusay in dowladdu ayadoo la kaashanaysa saxiibadeeda caalamka ay gar gaar caafimaad oo dibedda ah u raadin doonto dadka dhaawacoodu daran yahay.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdihso,Soomaaliya
[email protected]
Twitter: @SomaliPM, @axmednuur

Previous Post

Dhageyso:Barnaamijka wax soo saarka dalka ee Radio Dalsan ,14-04-2015

Next Post

Madaxweynaha oo ku baaqay in la iska kaashado la dagaallanka argag-gixisada

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
Warar

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

May 13, 2025
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho
Warar

Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho

May 13, 2025
Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya
Warar

Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

May 13, 2025
Next Post

Madaxweynaha oo ku baaqay in la iska kaashado la dagaallanka argag-gixisada

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

by Liban
May 13, 2025
0

WASHINGTON, D.C. — In a sweeping and controversial move that reshapes U.S. military influence in the Middle East, the White...

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga...

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

by Ilhaan
May 13, 2025
0

 Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ku saxiixay...

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals
English News

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
Warar

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Capital on the Mend: Mogadishu’s Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum
English News

Capital on the Mend: Mogadishu's Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals
  • R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
  • Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
  • Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00