Ku-dhwaad 2,000 oo muhaajiriin ay Somali ku jiraan oo laga badbaadiyay xeebaha Mediterranean.

In ka badan 1870 muhaajiriin badi ka soo jeeda Somaliya iyo Eritrea ayaa laga badbaadiyay xeebaha Taliyaaniga fiidnimadii Jumcada waxaa la geeyay dekadda Augusta ee koonfurta Sicily.

Howlgalka ayaa la billaabay kadib markii doonidii ay muhaajiriinta la socdeen ku degtay badda Mediterranean.

Afhayeen u hadlay ilaalada xeebaha Taliyaaniga ayaa sheegay in nin Somali ah oo ka mid ahaa dadka la soo badbaadiyay uu ku geeriyooday markabka dushiisa.

Howlgalka samatabixinta ayaa lagu soo badbaaiyay dhowr qof oo aan qaangaarin.

“Dadkan waxay soo mareen safar adag, qaar badanoo ka mida kuwa aan qaangaarin lama wehlin, waxaa ku jiray carruur yar, qaarkood aad ayey u yar yihiin dhabtii”, ayey tiri Giovanna Di Benedetto, oo u hadashay hay’adda Save the Children iyadoo ku sugan dekadda Augusta.

Ka hor howlgalkan saraakiisha Taliyaaniga waxay diiwaangeliyeen in dad ka badan 14’300 oo qof ay dalkaasi gaareen tan iyo billowga bishii January, tiradaasoo 55% ka sarreysay marka la barbardhigo sannadkii  2016 halka sannadkii ka sii horreeyay ee 2015 ay ka badan tahay 80%.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media