Kooxo Hubeysan oo dad Shacab ah ku laayay Gobolka Shabeellaha Hoose

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dad shacab ah oo kooxo huybeysan ay Xalay ku rasaaseeyeen Tuulo hoostagta degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha hoose.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan oo mooto watay ay rasaas oodda kaga qaadeen Xaflad Aroos ah oo ay dad badani ku sugnaayeen, waxaana ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaana weerarkaasi uu ka dhacay Tuulada Caadley oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

7 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rasaastaasi ay fureen kooxaha hubeysan ee weeraray guriga uu Aroosku ka socday, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay  ku dhawaad 20 ruux.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaas ayaa dhaawacyadooda waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad oo qaarkood ay tahay mid aad u liidata.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee kooxahaasi hubeysan ay dadka u laayeen, balse warar hoose oo aynu helnay ayaa sheegaya in arrintu ay la xariirto aano qabiil, wallow aysan caddeyn.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahayd sida wararka aynu ku helnay Hooyo Xaamilo ah iyo Gabar ay habaryar u tahay.

Wali maamulka Gobolka iyo hay’adaha ammaanku wax war ah kama soo saareen arrintaasi, lamana oga-sababta rasmiga ah ee loo laayay dadkaasi shacabka ahaa ee ku sugnaa xafladda Arooska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor