Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Caawa degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen wiil Dhalinyaro ah oo Goob Istudio ah ku lahaa degmadaas.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in kooxaha ku hubeysnaa Bustooladaha ah Goobtiisa Ganacsi ay ugu taageen,waxana la sheegay in uu ahaa Wiilkaas mid caanka ahaa degmada Boondheere,isla markaana Magaciisa lagu soo gaabiyey  Halooyeelo.
Dilka oo ka dhacay Dalcada degmada Boondheere ayaa waxaa ka soo baxaya Warar kala duwan dadka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in markii hore dhaaawac ahaan loo qaaday halka dadka qaar ay sheegeen in isla goobta uu ku geeriyooday.
Kooxihii ka dambeeyey dilka Wiilkaas dhalinyarad ah ayaa Goobta isaag baxsaday,waxan la soo sheegayaa in haatan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay baaritaano ka wadaan halkii uu dilka ka dhacay.
Dilka Caawa ka dhacay degmada Boondheere ayaa ku soo aadaya xili xalay Xaafada Odweyne ee Degmada deeyniile lagu dilay Macalin Bare ka ahaa Jaamacadda Soomaaliya.