Kooxda Xuutiyiinta oo soo Bandhigay Hindise Maxaabiis is-weydaarsi ah

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen waxay ku dhawaaqeen Qorshe ay Maxaabiis isku weydaarsan karaan Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin inay sii daayaan Maxaabiis ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Sudan.

Madaxa Guddiga Arrimaha Maxaabiista ee Xuutiyiinta, C/qaadir Al-Murtali oo la hadlay Telefishinka Kooxdaasi ee  Al-Masiirah waxa uu tilmaamay in Kulan ka dhacay dalka Cummaan ay ku soo bandhigeen Hindisahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiil Sare oo ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga ay goob-joog ka ahaayeen Shirkaasi, lagana wada hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa in ka badan 9,000 oo Maxaabiis oo ay labada dhinac kala haystaan.

Dhinaca kale, Madaxa Guddiga Arrimaha Maxaabiista ee Xuutiyiinta, C/qaadir Al-Murtali waxa uu shaaciyey inay QM u sheegeen inay diyaar u yihiin inay Maxaabiista u dhashay Sudan ee ka barbar dagaalamaysay Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga sii daayaan, haddii la sii daayo Maxaabiista Xuutiyiinta ee ku xiran dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor