Kooxda Daacish oo Warka soo saartay dilka dhacay Magalada Muqdisho

Duhurnimadii Talaadada Maanta ayay aheyd markii askari ka tirsanaa Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada lagu dilay Isgoyska Bakaaraha ee Magalada Muqdisho,waxaana dilkaasi sheegatay Kooxda Daacish.

Muuqaalo iyo Sawirro lagu baahiyey Wakaalada Wararka Kooxda  Daacish ee ACMAAQ ayaa muujinayey askari ka tirsan ciidamada taraafikada oo la tooganayo isaga oo ku mashquulsan gaari nooca raaxada ah.

Sidoo kale Daacish ayaa sheegtay in askari kale ay dhaawaceen iyada oo weli dilkaas aysan ka hadlin laamaha amniga Soomaaliya.

Bilihii u dambeysay ayaa Kooxda Daacish-ta Soomaaliya waxa ay kordhiyeen dilalka ay ka fuulinayaan magalada Muqdisho waxaana xilliyada ay dilalka fulinayaan ay duubaan Muuqaalo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor