Kooxda Daacish oo Warka soo saartay dil Galabta ka dhacay Magalada Muqdisho

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag waxaa ka dhacay dil loo geystay Wiil Dhalinyaro ah,waxan dilkaasi masuuliyadiisa sheegtay Kooxda Daacisha-ta Soomaaliya.

War lagu daabacay Wakaaladda Kooxda Daacish Wararka u faafisa ee Acmaaq ayaa lagu sheegay in Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay uu ahaa mid ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya.

Dilka Wiilkaas oo Galabta ka dhacay suuqa Bakaaraha qeybta Cabdala Shideeyaha ayaa raga hubeysnaa dilka kadib waxa ay Wiilka ka duubeen Muuqaal taa soo aragagax ku abuurtay dadkii ka agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay.

Todobadyadii lasoo dhaafay ayaa dilal noocan oo kale ah waxa ay ka dhacay suuqa Bakaaraha,waxaana dhawaan muuqaal lasoo bandhigay uu muujinayay qof lagu dehx tooganayo Gaari Bii’el ah dhexdiida ama Hoomey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media