Hadal-qoraal oo ay soo saartay Kooxdaasi isku magcowda Alqaacidada Maqrib ee AQIM ee uu hoggaamiyo Mukhtaar Bel-mukhtaar ayey ku sheegeen in iyagu ka dambeeyeen weerarkasi oo lagu dilay ilaa 60-Askari, laguna dhaawacay in ka badan 100-Askari oo ku sugnaa Xeradda Milliteri ee la weeraray.
Waxay kaloo sheegeen in Ninka isku qarxiyey Xeradaasi la oran jirey Cabdul-haddi Al-fulani iyo in weerarkaasi looga soo horjeedo Askarta Faransiiska ee ku sugan dalkaasi.
Dhinaca kale, Warbaahinta Dowladda Maali waxay horey u sheegtay inay weerarkaasi geysteen 5 qof oo Isku soo xiray wxyaabaha qarxa.
Madaxweynaha Maali, Ibraahim Bubakar Keyta oo saqdii dhexe ee xalay ka hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Alqaacida ilaa ay ka guuleystaan.
Wasiirka Arrimaha Gudha Farnsiiska, Buruno Le Roux waxa uu Weerarka ka dhcay Maali ku tilmamy kii ugu dhiig daadashda badnaa, iyadoo Xeradda la weeraray uu Madaxweynaha Faransiiska, Faranswa Hollande booday dhowr maalmood ka hor.
©Radio Dalsan