Koox hubeysan oo wiil iyo adeerkiis ku dishay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa fiidnimadii xalay xaafad ka trsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay laba nin oo la sheegay inay kamid ahaayeen dadka deegaanka degmadaas, waxaana falka dhacay kasoo baxaya faah faahino.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in dableyda hubeysan ay labada Nin ku dishay xaafaddda Suuq Liif ee degmada Dharkeenley, xili ay meel wada fadhiyeen labadooda, iyagoona u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare jirkooda.

Dad yaqaanay ragga la toogtay ayaa waxaa ay magacyadooda ku kala sheegeen Xuseen Cabaas iyo Cabdi Cismaan Cali, waxaana ay ahaayeen wiil iyo adeerkiisa, goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa ka baxsaday dadkii ka dambeeyay dilkaas khaarijinta ahaa.

Ciidamada ammaanka dowladda  Federaalka ayaa sida caadada aheyd gaaray goobta dilku ka dhacay, waxaana meydadka labada nin ee la dilay loo qaaday xarunta CID-da, halkaas oo baaris kadib loo gudbiyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhallinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana horey dilal loogu fuliyay Mas’uuliyiin dowladeed, Odayaal dhaqan, Askar Ciidan iyo dad shacab ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor