Koox hubeysan oo Dil ka geystay xaafad ka tirsan Muqdisho

Wiil dhalinyaro oo kamid ahaa dadka deegaanka degmada Dharkeenley ee Gobolkaan Banaadir ayaa  habeenkii xalay aheyd rag ku hubeysnaa Bastoolad waxaa ay ku dileen xaafad ka tirsan degmadaas.

Dilka loo geystay Wiilka dhalinyarada ayaa ka dhacay xaafadda dabakaayo madoow ee Dharkeenley, waxaana lagu dhuftay xabaddo dhowr ah, isagoona goobta ku dhintay, sida ay sheegeen dad xiligaas goobta ka Agdhawaa.

Lama oga sababta loo dilay wiilka iyo wax uu ahaa, hayeeshee dad yaqaanay ayaa magacaabiisa ku sheegay Cabdirisaaq Maxamed Jacfar, isagoo ahaa wiilka dhalinyaro ah, waxaana goobta isaga tegay ragii hubeysnaa ee dilkiisa ka dambeeyay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Ehelada Maxruumka ayaa gaaray halka uu dilay ka dhacay, iyagoona qaaday Meydkiisa.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan dhalinyaro ku hubeysan Bastoolado, waxaana mas’uuliyada falalka qaarkood sheegta Al-shabaab

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media