Hadal qoraal oo ka soo baxay Xafiiska QM ee Hawlaha Somalia (UNSOM) ayaa lagu sheegay in Koox Caalami oo Xabbad-joojin oo ay IGAD hoggaaminayso gaareen magaalladda Gaalkacayo, iyadoo ay QM gacan ka geysatay sidii Kooxdaasi loogu daad-gureyn lahaa Gaalkacyo.
Kooxda Caalamiga ee Xabbad-joojinta ayaa la sheegay inuu doorkooda noqon doono sidii ay ula shaqeyn lahaayeen 18-ka xubnood ee Guddiga wadajirka ee Galmudug iyo Puntland ee loo xil-saaray xal-u-helista Dagaalka Gaalkacyo.
Kooxdaasi waxay kaloo Guddiga Wadajirka siin doonaan La-talin iyo taageerida wax-ku-oolka ee Hirgelinta Xabbad-joojinta iyo Dhisida Kalsoonida Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland ugu dambeyntii abuuri karta Nidaamka Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta.
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa sheegay Kooxda Xabbad-joojinta ee loo daad-gureeyey Gaalkacyo inay astaan muhiim u tahay sida ay Beesha Caalamka go’aan uga qaadatay xalinta colaadaasi.
Waxa uu intaasi ku daray inay Kooxdaasi kala talin doonaan Labada dhinac Xabbad-joojinta iyo Kormeerka iyo in la dhiso Kalsoonida Guddiga Wadajirka si loo adkeeyo Heshiiska Xabbad-joojinta Galkacyo.
Dhinaca kale, Hadalka qoraalka oo ka soo baxay Xafiiska QM ee Hawlaha Somalia (UNSOM) (UNSOM) ayaa lagu soo dhaweeyey Heshiiskii ay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ka gaareen Dagaalkii Gaalkacyo ee uu Ra’isul-wasaaraha Somalia ka soo shaqeeyey.
Heshiiska ay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland wada saxiixeen ayaa dhigayo in xilliga loo kordhiyo Xababd-joojinta ka jirta Gaalkacyo iyo in la sameeyo Aag dhuleed 2 KM oo u dhexeeya goobaha ay Ciiddanka kala joogaan.
©Radio Dalsan