Madaxweynaha dalka Koofurta Suudaan Salva kiir ayaa ku dhawaaqay qeybta kowaad ee xukuumadda awood qeybsiga ku dhisan ee dalkaas.
Magacaabista uu maanta oo sabti ah sameeyay waxaa uu madaxweyne ku xigeenka kowaad ugu magacaabay Ninka ay isku hayeen siyaasadda ee Riek Machar, waxaana uu sidoo kale sameeyay saddex ku xigeen kale oo ay midi Haweeney tahay.
- Dr. Riek Machar Teny, madaxweyne Ku xigeen ka 1aad.
- Dr. James Wani Igga, madaxweyne Ku xigeenka 2aad.
- Gen. Taban Deng Gai, madaxweyne Ku xigeenka 3aad
- H.E Rebecca Nyandeng Garang, madaxweyne Ku xigeenka 4 aad.
- Hon. Tut-Kew Gatluak Manibe, lataliyaha amniga ee Madaxweynaha.
- Hon. Mayiik Ayii Deng, wasiiru dowlaha madaxtooyada.
Magaacistan ayaa qeyb ka ah heshiis lagu dhisayo xukuumad wadaag ah oo ay Suudaan yeelato tan iyo sanadkii 2013Kii markaas oo uu dagaal sokeeye ka qarxay dalkaas.