Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Ansixiyay Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maxkamadan ayaa ka madax banaan mida Dowlada Federaalka, isla markaana waxay yeelanesa awood fulin ee xukunka kama dambeysta ah ee awood sharciyadeed.
Maxkamada sare ee CQS ee DGKGS waxay Xarunteeda si ku meel gaar ah u noqoneysa Magaalada Baydhabo.
Maxkamadda ayaa awood xuduud dhuleedkeeda yahay Deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maxkamaddu waxay awood u leedahay in ay qaado dembiyada ay galaan CQS ee ka howlgala dhulka Goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Taas oo logu talagalay in lagu qado Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida sida uu qorayo Qodobka 1aad ee XCCQS.
Xeerkan Qodobo badan ayaa ku qoran iyo
Danbiyada Qofka gala iyo Ciqaabta uu Mudan yahay iyo Qaab dhismeedka Maxkamadan isago dhameystirana Waa idinla wadaagi dona Insha Allah,
Xeerkan Baarlamanka ayuu Mari dona kadib Madaxweynaha ayaa Dikreeto kuso saari doona.