Koonfur galbeed oo shaacisay xilliga ay furmayaan goobaha Waxbarashada

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) oo ku sugan Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay caqabadaha waxbarasho ee xiligan ka jira deegaanadaasi  iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in xal loo helo habsami u socodka adeegyada waxbarasho ee loo fidiyo dadka,gaar ahaan ardayda halkasi.

Madaxweynaha  ayaa sheegay in Bisha July ee soo socota dib loo furi doono dugsiyada ku yaalla deegaanada Koonfur Galbeed,kuwaas oo loo xiray sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka  Koofur Galbeed waxa uu xusay in deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan degmada Xudur ay aad u liidato heerka wax barasho ,sidaa daraadeedna  loo baahan yahay in la tayeeyo adeegyada dhanka waxbarashada ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media