Koonfur Galbeed oo maalmo kadib War kulul kasoo saartay Caruurtii la dilay

Wasaraadda Haweenka Arrimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay falkii lagu dilay labadii Caruur ee meydadkooda laga helay duleedka Magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arrimaha iyo Xuquuqul insaanka Maamulka Fahiimo Cismaan Cumar ayaa waxaa ay ku cambaareeysay falkii lagu dilay Caruurtii meydadkooda khamiistii lasoo dhaafay laga helay duleedka Baydhabo.

Wasiir Fahiimo Cismaan ayaa falkaas loo geystay Caruurta ku tilmaamtay mid fool xun oo lagu dilay Caruur walaalo ah oo aan waxba galabsan, isla markaana uu ahaa mid ka fog diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasaaradda Haweenka Arrimaha qoyska Koonfur Galbeed ayaa bulshada ugu baaqday inay si dhow ula shaqeeyaan laamaga amniga Maamulka, si looga hortago dhibaatooyinka noocan oo kale ah.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor