Madaxweyneyaasha maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeedyo ka soo kala baxay Xafiisyada maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa si wada jir ah loogu tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkaas oo uu ku jiray Wasiir kuxgeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ahna Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Saqar Ibraahim Cabdala.
Dadkii ku dhintay weerarka ayay Alle uga baryeen in uu Janadiisa ka waraabiyo ,halka kuwa dhaawacmayna ayay u rajeeyeen caafimaad deg deg ah in uu rabi siiyo.
War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha internet-ka Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda weerarkii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.