Wararka aan ka heleyno Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Al-shabaab ay ku weerareen Kolonyo Ciidan oo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Xagar (Dabageed).
Guddoomiye (Dabageed) iyo Ciidamadii la socday oo ka baxay Magaalada Baladweyne ayaa xili ay marayen inta udhaxeeyso Baladweyne iyo Maxaas,isla markaana kusii jeeday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa wadadda u galay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.
Dagaalka dhexmaray Ciidamada uu la socday Dabageed iyo Al-shabaab ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhamisho iyo dhaawac.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Xagar (Dabageed) iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa saakay kusii jeeday Duleedka Maxaas,iyagoo lagu waday inay kala dhexgalaan laba maleeshiyo beeleed oo xoolo dhaqato ah,kuwaasi oo uu dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.