Kismaayo:Wiil Aabihiis qoorta ka jarey

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buulo Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Wiil Aabihiis uu qoorta ka jarey.

Dhacdadaan oo aad looga naxay ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Buulo Gaduud oo 30km u jira Magalada Kismaayo,sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah,waxana Aabaha la gowracay  lagu magacaabi jiray C/llaahi Shariif Kalar,

Taliyaha Booliska Magalada Kismaayo ayaa Dalsan u sheegay in Wiilka uu Aabihiis uu qoorta baangad kaga jaray,ka dibna uu isku-dayey in uu baxsado,balse Ciidamada Booliska Jubbaland ay Gacanta ku dhigeen wiilkii Aabihiis qoorta ka jaray,iyaga oo xabsiga dhigay.

Goordhow kala socda faah faahinta Warkaan Radiodalsan.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor