(AKHRISO):- Khudbaddii Madaxweynaha uu shalay ka jeediyey furitaankii Kalfadhiga Koowaad ee Golaha Shacabiga Soomaaliyeed.

 

بسم الله الرحمن الرحيم

Guddoomiyaha golaha shacabka – Mudane: Mohamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo Ku Xigeennadiisa

Xubnaha Golaha Shacabka.

Taliyeyaasha Ciidanka.

Saxaafadda.

Marti sharafta kale.

Dhammaan waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka As-salaamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuh

Mudanayaal iyo Marwooyin

Marka hore waxaan xildhibaanada labada gole uga mahadcelinayaa doorashadii aad ii doorateen in aan noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya afarta Sane ee soo socota.

Waxaan idinku bogaadinayaa sidii aad uga dhabayseen dareenkii ummadda Soomaaliyeed oo meel ay joogtaba u riyaaqday isbedelkii aad idinku gacmihiinna ku samayseen.

Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa haweenka Soomaaliyeed oo maanta qayb weyn ka ah baarlamaanka labada gole, go’aanka taariikhiga ahna qayb ka ahaa, sidoo kalana aan ka rajaynayo xukuumadda Raysal wasaare Xassan Cali Kheyre ay kaalintooda ka helaan.

Waxaan kaloo u mahadcelinayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee meel ay joogtaba idinku taageertay isbeddelkaas.

Bulshada Soomaaliyeed ee dibad iyo gudahaba u dabbaal degtay go’aankii xildhibaannadoodu gaareen waxaan leeyahay waad mahadsantihiin waad mahadsantihiin. Waxaanuna maanta halkan idiinka ballaan qaadaynaa aniga iyo xildhibaannada Soomaaliyeed in aanu ka dhabayn doonno intii awooddayada ah ballamihii aanu idiin qaadnay xilligii aanu doorashada ku jirney aniga iyo iyaguba.

Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Xildhibaanadii I soo doortey, waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in ammaanadii aad noo dhiibteen aanu idiin ilaalin doonno, Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in uu nagu garab galo oo noo fududeeyo… Aamiin.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Sidaad wada dareensantihiin, bulshada Soomaaliyeed waxay inaga filaysaa wax weyn, waqtiga iyo waxa aynnu haysanana aad bay uga yartahay in ay ka miro dhalinno waxa aynnu doonayno in aynnu qabanno.

Waxaa kaloo aan idinka qarsoonayn in dalka iyo dadkuba maanta xaalad adag marayaan, waxaa jira abaaro baahsan oo saameeyey dalka oo dhan dad iyo duunyaba, waxaa jira colaado iyo amni darro, waxaa jira kala qoqobnaan sababay noloshii iyo dhaqaalihii dadka.

Sidaa darteed, si aynnu u gudanno ammaanadii bulshadu inoo dhiibtay waa in aynnu ku dadaalnaa in aan hal saacad inaga khasaarin, waa in aynnu wax walba ka hormarinaa danta guud iyo dhismaha dawlad u adeegta bulshada kana jawaabta dhibaatooyinka maanta ka jira dalka.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Barnaamijkayga Nabad iyo Nolol waxaa saldhig u ah la dagaalanka nabad diidka iyo Musuqmaasuqa.

Sidaan hore halkan uga sheegay labada cadow ee dawladnimadeenna ragaadiyey waxaa kow ka ah kooxaha hubaysan ee habeen iyo maalin xasuuqaya ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah iyaga oo aan kala saarayn rag iyo dumar, caruur iyo ciroole, culimo iyo caammo.

Waxaa labo ka ah musuqmaasuqa oo sidaad la wada socotaan adduunku inagu daray dawladaha ugu daran dunida xaga musuqa.

Musuqmaasuqu waa kan inaga hortaagan in aynu dhisanno dawlad bulshada u adeegta, waa kan curyaamiyey dhaqaalaheenna iyo horumarkeennaba.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Waxaan idinka codsanayaan in xukuumadda iyo anigaba nagu taageertaan sidii labadaa cadow aynnu uga cirib tiri lahayn dalkeenna.

Waxaan aaminsahay in aysan suurta gal ahayn in aynnu ka run sheegno filashada ummadda Soomaaliyeed inaga filayso haddii aynnaan labadaa cadow ka adkaan.

Waxaan ku qanacsanahay in aynnu labadaba ka adkaan karno haddii aynnu gacmaha isqabsanno oo meel uga soo wada jeesanno xukuumadda iyo Barlamaankuba, dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyaduba iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Waxaa muhiim ah in aan xuso si aan casharo uga qaadano Baarlamaankii 9aad ee hooyada u ahaa Baarlamaankan 10aad ee aan manta nasiibka u yeeshey in aan furo si waafaqsan Qodobka 90 (G)Dastuurka KMG ah ee JFS.

Aniga oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida dhaw ah ula socday hawlaha Baarlamaanka 9aad, waxaan qirayaa in uu wakhti badan kaga lumay khalkhal siyaasadeed oo joogto noqday oo haday ugu yartahay sanad ka cunay wakhtigii shaqo ee Baarlamaanka. In wal oo aanay Dalka iyo Dadka dani ugu jirin isqabqabsi siyaasadeed hadan waxaan mar labaad ku amaanayaa hogaanka Baarlamaanka in ay dhameeyeen iyada oo aan shisheeye soo faragashan.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Hadii aan u soo dego shaqooyinka uu qabtay Baarlamaankii 9aad xaga dajinta shuruucda, waxaan oran karaa waxuu ansaxiyey shuruucbadan, heshiiyo badan iyo dib-u-eegis uu ku sameeyey Dastuurka kMG.

Hadaba muddada xilhaynta Baarlamaanka 10aad oo afar sano ah waxaa ina horyaala hawlahan soo socda oo aad u culus ,oo badankooda ay ahayad in Baarlamaankii 9aad qabto, kaliyana looga bixi karo hadii afarta sano habeen iyo maalinba aan gabi ahaan wada shaqeyno oo haya’adba haya’adda kale garabsiiso sababtoo ah inaga oo dhan ayaa qaadney masu’uuliyadda in dalkan la gaarsiiyo (Hal Qof iyo Hal Cod sanadka 2020) – qof walba ha ogaado in dadku inala xisaabtamayo.

  1. Dhameystirka Dib –U- Eegista Dastuurka .
  2. Dhamaystirka shuruucda Fadaraalaynta.
  3. Matalaadda Dadweynaha – waa laf dhabarta Dimoqraadiyadda sidaa awgeed waa in aan dardar galino dhamaystirka Matalaadda Dadweynaha. Ila hada waxaa la ansaxiyey kaliya Sahrciga Axsaabta laakiin wixii shuruuc ah ee la xiriira sharcigan wali lama taaban. Waxaa ka mid ah Sharciga doorashadda, Diiwaangalinta dadweynaha, sharciga Jinsiyadda IWM.
  4. Dhamaystirka shuruucda hortabinta leh ee dastuurku dalbayo oo dhan 22 sharci sida ku cad Jadwal 1(D) iyo wixii kale ee shuruuca ee uu tilmaamay Dastuurka KMG.
  5. Dardargalinta Hindiso sharciyeedyadda Xukuumaddu keeni doonto oo fara badan koobayana Wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Sida ugu sahlan ee loo dadajin karo hawlahan baaxda leh waxaa ila tahay in la abuuro Ajenda Xeer Dajin oo heshiis ay ku yihiin xukuumadda iyo Baarlamaanka

Waxaan garan karaa in hawlaha aan soo sheegey ay u baahanyihiin dhaqaale xoog ah oo ku bixi doona khubaro, tababaro, dhageysi dadweyne iyo wlm. Waxaan idiin balanqaadayaa in aan wixii dhaqaale ah ee aan awoodna aan marnaba la idinka hakranayn oo intii aan kari karno aan idinla garb joogi doono.

Waxa kale oo aan la socdaa duruufaha dhaqaale ee idin haya maadaama idinka iyo xaasaskiinii aad kala dagantihiin. Waxaan idiin ballan qaadayaa in aan wax badan ka bedelno nolosha iyo nabadgelyada xubnaha baarlamaanka,.

Waxaan ku kalsoonahay in aan kaalmo ka helayno dalal dabadda oo aan saaxiibnahay wakhtiga dhaw taas oo dhamaan mushaaraadka wax ka badali doonta.

Waxaan idiinku bishaareynayaa in aan qorsheeyey in aan afarta sanno gudahood ku abuuro mushaariic hooy Dawladeed loogu dhiso Xildhibaandda.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan Maanta hortiinna u imi in aan idinka codsado in aad si waafaqsan qodobka 69aad 2(D) kalsoonidiinna siisaan Raysal wasaare Xasan Cali Khayre oo aan u doortay in uu hoggaamiyo xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

Waxaana ku doortay kartidiisa iyo aqoonta maamul iyo hoggaamineed ee uu leeyahay Ray’sul wasaare Xassan Kheyre, waxaan tixgelin siiyey khibradda uu u leeyahay shaqadan.

Xasan Cali Khayre waa nin aad wax uga og siyaasadda gudaha ee dalka, ta gobolka iyo adduunkaba, waa nin aan ku ogahay hufnaan, waa nin aan ku aqaan in uu ka fogyahay qabyaalad iyo nin jeclaysi.

Waa nin aan u arko in aan wada shaqayn karno, isku aragtina ka noqon karno dhismaha dalka iyo dawladda.

Sidaa darteed, waxaan maanta idinka codsanayaan in aad ila qaadaataan Xasan Cali Khayre si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh oo gudan karta shaqada culus ee bulshada Soomaaliyeed inaga sugayso.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan fursaddan uga faa’iidaysanayaa in aan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqo in ay taageeraan walaalahooda tabaalaysan iyo kuwa dan yarta gaar ahaan dadka abaaruhu halakeeyeen.

Waxaan dadka wax haysta ugu baaqayaa in aysan maanta walaalahood waxba kala harin.

Sidoo kale waxaan ganacsatada mid wax weyn haysta iyo mid wax yar haystaba ka codsanayaa in ay maciishadda u jebiyaan oo faa’iidadii ay heli lahaayeen qayb uga tanaasulaan walaalahooda tabaalaysan.

Waxaan kaloo fursaddan uga faa’iidaysanayaa in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan dagaalada sokeeye ee dalka ka socda gaar ahaan kuwa dhowaan ka soo cusboonaaday deegaannada Cadale iyo Marka.

Ugu dambayntii waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu abaarta naga dulqaado, in uu colaadda naga qaboojiyo iyo in uu qalbigeenna isku soo dhoweeyo oo khilaafka inaga dul qaado.

waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu abaarta naga dulqaado, in uu colaadda naga qaboojiyo iyo in uu qalbigeenna isku soo dhoweeyo oo khilaafka inaga dul qaado.

Wa Bilaahi Tawfiiq

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media