Khilaaf ka taagan xuliska Xubnaha Baarlamaanka Puntland

Guddiga xalinta khilaafaadka ee baarlamanka Puntland ayaa sheegay inay soo gababeyeen qabashada warqaaha codsiga musharraxiinta.

Guddoomiyaha guddigan oo la hadlayay BBC ayaa sheegay in ilaa hadda 200 codsi ay soo gudbisteen musharraxiinta u taagan doorashada maamulka Puntland.

Howsha guddiga waxaa kamid ah inay hayaan waraqaaha ama codsiyada xubnaha baarlamaanka ay soo xulayaan beelaha.

Waxay sheegeen inay jiraan khilaaf ka taagan soo xulidda xubnaha baarlamaanka maamulkaasi.

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in la qabto 8 bisha January ee sannadka 2019-ka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor