Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada lamu iyo Nyongoro,ee Gobolka Waqooyi Bari dalka kenya.
Qaraxaan ayaa haa Miinada nooca dhulka lagu aaso,waxa ayna la kacday Gaari ay saarnaayeen dad Kenyan ah,iyada oo ay qarxaasi ku dhaawacmeen laba ruux oo gaariga saarnaa.
Xiliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa socday howlgallo ay wadeen ciidamada kenya,sida uu Warbaahinta u sheegay Madaxa howlgalada amaanka degaanka Linda Boni Joseph Kanyiri.
Sidoo kale waxa uu ku eedeeyaya in qaraxaasi ay masuuliyadeeda ay leeyihiin dagaalyahanada Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geesta Gudaha dalka kenya.