Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas Goordhow uu ku rogmaday gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda.
Gaariga rogmaday oo ahaa nooca dagaalka ayaa waxaa saarnaa Askar badan oo ka tirsan Ciidanka dowladda, kuwaasi oo kasoo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb kuna sii jeeday Gaalkacyo, hayeeshee xili uu marayay deegaanka Galinsoor ayuu rogmaday.
Ugu yaraan 6 Askari oo kamid ahaa kuwii la socday gaariga ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo loo soo qaaday Isbitaal ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo.
Dadka deegaanka Galinsoor oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gaariga rogmaday uu ku socday xawaare sare, isla markaana mar qura uu ka baxay wadada, sidaasina uu ku rogmaday.
Inta badan gaadiidka ay saaran yihiin Askarta ayaa waxaa loo wadaa si xawaare sare ah, isla markaana arrintaas ayaa sababta in gaariga uu rogmado ama shil uu galo, sidaasina uu uga dhashao Khasaaro kala duwan.