Khasaaro ka dhashay Ciidamo ka wada tirsan Puntland oo dagaalamay

Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta dagaal  uu ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland.

Dagaalkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Geed Qaboobe oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Puntland ee dagaalku dhexmaray,kaasi oo ku yaalla Aaga deegaanka Tukaraq,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ku dhintay hal ruux,halka ay ku dhaawacmeen 7 Askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland.

Ilaa iyo hadda lama Oga sababta keentay in dagaal uu dhexmaro Ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland ee ku sugan Aaga deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media