Khasaaro badan oo ka dhashay dagaal ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal xoogan oo geystay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka ee Liyu-Booliiska iyo  kuwa ismaamulka Cafarta ee Itoobiya, waxaan dagaalkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Cafarta ay weerar xoogan ku qaadeen dad shacab iyo Ciidamo.

Weerarkaaas ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dan-lahelay ee Gobolka Sitiee  DDS, isla markaana waxaa halkaas lagu laayay shacab ah badnaa xoolo dhaqato iyo Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka, xili ay halkaas ku sugnaayeen.

Khasaaro aad u badan ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray Ciidamada Liyu-Booliiska iyo kuwa Cafarta, waxaana la xaqiijiyay in halkaas ku dhinteen in ka badan 50 qof, halka tirro intaas ka badana ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Xaaladda deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa ah weli mid kacsan, isla markaana waxaa halkaas isku hor-fadhiya Ciidanka Liyu-Booliiska iyo kuwa Cafarta, waxaana laga cabsi qabana in mar kale dagaal uu dhexmaro labada dhinac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media