Khamri fara badan oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Magaalada Boosaaso

Ciidamada booliiska gobolka Bari ee Puntland oo howlgal ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay Khamri aad u fara badan oo lagu soo qabtay xaafado ka tirsan Boosaas.

Howlagalkaan ayaa talisku waxa ay sheegeen in maalmahaan uu ka socday magaalada Boosaaso islamarkana uu yahay mid looga hortegayo wax kasta oo amniga liddiga ku ah sida talisku ay sheegeen.

Dhinaca kalan Taliska qeybta booliiska gobolka Baria aya shaaca ka qaaday in loga baaahanyahay shacabku in ay la shaqeeyaan ciidamada nabagelyada si amnigooda loo ilaaliyo.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

Comments
Loading...