Keymaha cagaaaran ee Sanaag oo gubanaya iyo Gurmad xooggan oo socda

Waxaa wali socda dadaallo xooggan oo lagu daminayo dab-xooggan oo qabsaday  Keymaha cagaaaran ee Sanaag, dabkaasi oo socda saacado badan sidoo kalena ku faafay dhul aad u ballaran.

Degaanka Gaacidh ee Gobolka Sanaag, oo ah degaan aad u qurux badan oo leh dhul daaqsimeed cagaaran ayuu dabku baab’iyay, waxaana uu kusii fiday dhulka Keymaha ah ee Degaankaasi, halkaasi oo laga soo sheegayo xaalad aad u xun.

Sawirro iyo Muuqaallo inaga soo gaaray dhulka Gubanaya ayaa waxaa ay muujinayaaan khasaaro baaxad leh oo gaaray dhulka Cagaaran ee ku wanaagsan daaqsimeedka, sidoo kalena ah dhul buuraleey ah oo dhirtu ay aad ugu badan tahay.

Dabka oo saacado badan socday ayaa marba marka ka dambeysa waxaa uu kusii fidayaa dhul hor leh, waxaana adag in la joojiyo maaddaama uu yahay mid xooggan sidoo kalena ay adag tahay in goobta uu gaaro gurmadkii loo baahnaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka ayaa gaaray degaanka, waxaana socda dadaalada, iyadoo Maayarka iyo Maayar ku xigeenka iyo qaar ka mid ah golaha deegaanka degmada Ceerigaabo ay tageen halka Gubanaysa.

Sidoo kale gurmadka ayaa goordhaw gaaray sida wararku sheegayaan, waxaana Saraakiisha Booliska oo goordhawyd hadlay ay baaq u diren Cid kasta oo gacan ka gaysan karta dabkaasi khasaaraha badan dhaliyay.

Dabka ayaa baa.iyay dhul aad u ballaaran waxaana uu soo billowday maalmo ka hor, iyadoo marba mark aka dambeysa uu sii gaarayay dhul hor leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor