Kenyaati lala xiriirinayo Alshabaab oo lagu toogtay Kenya

Saraakiisha Booliska ka hortaga Dembiyadda ee dalka Kenya ayaa sheegay inay dileen Labo Kenyaati lala xiriirinayo Alshabaab, kadib, marki ay Boliska isweydaarsadeen tacshiirad.

Iska horimaadkaasi oo lagu dhaawacay Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya ayaa la sheegay inuu ka dhacay Tuulladda Mwamambi ee dEgmadda Ukunda ee Gobalka Kawaale.

Wargeyska The Daily Nation oo qoray warkan ayaa sheegay in ragga la dilay lagu kala magacaabi jirey Khalfaan Mawamtaka iyo Xamiisi Kulunga.

Boliska waxay sheegeen inay qori AK 47 iyo hub kale ka heleen guriga lagu weeraray Kenyaatiga lala xiriirinayo Alshabaab.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor