Kenya oo Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ku Eedeysay inay la shaqeeyan DFS

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay bilaabi doonto baaritaano kala duwan oo lagu sameeynayo Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya, kuwaasi oo loo jeediyay eedeymo kala duwan.

Wargeysa The Star ayaa qoray warbixin la xiriirta in Dowladda Kenya ay baaritaano ku sameeyneyso Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Kenya ayaa sidoo kale Siyaasiyiinta ku eedeeysay in lacago ay ka qaatan Madaxtooyada Soomaaliya una gudbiyaan xogaha xasaasiga ah ee ka jira gudaha Kenya, In kastoo aan la shaacin Magacyada Siyaasiyiintaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Siyaasitaan baaritaanka lagu sameeyn doono ay ku jiraan kuwo xilal horey kasoo qabtay dowladda Kenya, isla markaana ay ku jiraan qareeno iyo xubno kale.

Arrintaan la xiriirta baaritaanka ayaa kusoo aadeysa, iyadoo maalmo kahor Xildhibaano Soomaali Kenyaan ah ay Safar qarsoodi ah ku yimideen Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo kulan la qaatay Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, iyadoona Safarkaas ay Kenya ka muujisay walaac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media