Kenya oo sheegtay inay weerar ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Saraakiisha Ciidanka Milateriga dowladda Kenya ayaa sheegay inay dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib weerar gelinkii horey ee shalay oo Axad aheyd ka dhacay Kaymaha Boni.

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargaysyada Kenya, booliiska dalkaas ayaa sheegay in hub laga soo qabtay intii lagu jiray howlgalkii ka dhacay deegaanka Bodhei ee xadka magaalooyinka Lamu iyo Garissa.

“Dhacdadu waxay dhacday subaxnimadii Axaddamarkii ay socdeen hawlgallada dabagalka,” ayuu sarkaal ka tirsan booliska Kenya u sheegay Capital News.

Ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee dagaalyahanada la dilay mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Taliska guud ee Ciidamada Kenya ee KDF oo ku aadan weerarkii ka dhacay Kaymaha Boni.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa horey weeraro lagu dilay Askar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya ka fuliysay deegaanka Bodhei ee xadka Magaalooyinka Lamu iyo Garissa ee dalka Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media