HomeWararKenya oo sheegtay in qarax ka dhacay Gaarisa looga dilay shaqaale ka...

Kenya oo sheegtay in qarax ka dhacay Gaarisa looga dilay shaqaale ka tirsanaa wasaarada Caafimaadka

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Saraakiisha magaalada Gaarisa ayaa xaqiijiyay in qarax miino ahaa lagu dilay 1 qof oo darawal ahaa laguna dhaawacay 3 kale oo ka tirsanaa shaqaalaha Gawaarida gurmadka deg dega. Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay qaraxa oo ahaa nuuca miinada in xalay lala beegsaday gaari nuuca ( Ambulances) oo ay la socden shaqaale ka tirsan wasaarada Caafimaadka Kenya. Kenya […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saraakiisha magaalada Gaarisa ayaa xaqiijiyay in qarax miino ahaa lagu dilay 1 qof oo darawal ahaa laguna dhaawacay 3 kale oo ka tirsanaa shaqaalaha Gawaarida gurmadka deg dega.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay qaraxa oo ahaa nuuca miinada in xalay lala beegsaday gaari nuuca ( Ambulances) oo ay la socden shaqaale ka tirsan wasaarada Caafimaadka Kenya.

- Advertisement -

Kenya waxa ay ku sheegtay qarax oo ka dhacay deegaanka Hulugho oo ku dhaw Gaarisa weerar argagixisanimo.

Warar kale ayaa sheegaya in ninka darawalka ahaa ee waday gaariga lala eegtay miinada uu ahaa nin Soomaali ah oo ku soo koray Kenya oo magaciisa lagu sheegay Cabey Dhubow.

Weli ma jirto koox sheegatay masuuliyada qaraxa lala beegsaday shaqaalaha wasaarada Caafimaadka Kenya.

- Advertisement -

Al Shabab ayaa inta badan sheegata masuuliyada weerarada iyo qaraxyada ka dhaca gudaha Kenya.

Weerarkii ugu dambeeyay shalay ayay Al Shabab ku qaaden gaari ay la socdeen booliska Kenya oo mararay meel ku dhaw degmada Mandheera,waxaana halkasi lagu dilay 5 ka tirsan booliska Kenya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts