kenya oo Maanta Bilaabeysa 3 Cisho oo Baroor Diiq Ah

Dowladda Kenya ayaa Maanta Bilaabeysa Seddex Cisho oo Baroor Diiq ah oo loogu talo galay Dadkii ku dhintay Weerarkii ka dhacay Jaamacadda Garissa.

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa shalay ku dhawaaqay in Muddo Seddex Cisho loo baroor diiqayo dad gaaraya 148 qof oo ku dhintay Khamiistii hore Weerarkii Garissa.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay Guud ahaan Waqooy-Bari Dalka Kenya waxana Bandow hore loogu soo rogay Deegaanadda W/Bari Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor