Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay 160,000 oo Dollar dui-dhigtay si loo soo xiro 8 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab, kuwaasi oo la sheegay in la rumeysan yahay inay ka hawlgalaan gudaha Kenya, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Boliska waxay sheegeen in xubnahaasi uu ka mid yahay Hoggaamiyaha Alshabaabka ka soo jeeda Kenya oo ay magaciisa ku sheegeen Axmed Iimaan Cali “Abu Zinira”, kaasi oo Dagaalyahano badan ku haysta Dhulka Kaymaha ee Boni Forset.