Kenya oo Lacag Duldhigtay Gabar lala xiriiriyay Al Shabab

Booliska Kenya ayaa sii daayay Sawirka Xaaska Nin ka tirsan Al Shabab oo loo heysto Weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Mombasa waxana ninkasi la yirahdaa Ramadan Kufungwa..

Booliska ayaa dul dhigay gabdhasi oo lagu Magacaabo Rukia Mbarak Faraj lacag dhan 2 Milyan oo ah lacagta Shilinka Kenya.
Kenya waxa ay sheegeysaa in Gabadhan ay ka dambeysay Weeraro bambo gacmed loo adeegsaday iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Magaala xeebedka Mombasa Ee Dalka Kenya.

Booliska waxa ay sheegen iney tuhunsan yihiin iney Ruqiya ku nooshahay Xeryaha qaxootiga Ee Waqooy_Bari Dalka Kenya.

Waxa ay Booliska sheegen sido kale iney ku lug leedahay Hub iyo waxyaabah qarxa oo laga soo geliyo dhinaca Soomaaliya waxa ayna qeyb ka tahay dad qorsheynaya Weerraro argagixiso sida uu qoray Wargeyska Dailynation.

Booliska ayaa Lacagtasi duldhigay Ruqiya Maalin uun kadib marka Hub iyo qaraxyo kale laga soo saaray Countyga Garissa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor