Kenya oo ku baaqday in Ciidankeeda kasoo baxaan Soomaaliya,kadib weerarkii Nairobi

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Kenya, Moses Wetangula oo haatan ah  Hoggaamiyaha Isbahaysiga Siyaasadeed ee FORD, Moses Wetangula  waxa uu hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay in Hawlgalka Ciiddanka Kenyaa ahaa Deganaanshaha Somalia iyo inay Goballadda Jubbooyinka laga sameeyo Deegaan u dhexeeya labada Waddan, si looga hortago khatarta.

Moses Wetangula oo  ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Kenya, ee xilligii ay Ciiddanka Kenya gudaha u soo galeen Somalia waxa kale oo uu sheegay inay Dadka Soomaalida u arkaan Kenya sidii Dad qabsaday oo kale, isla markanaa loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheerada oo lagu dheelitiri karo Arrimaha Ammaanka ee Gobalka.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Isbahaysiga Siyaasadeed ee FORD, Moses Wetangula  waxa u uwalaac ka muujiyey weeraadda ay Alshabaab ke geystana gudaha dalka Kenya, wuxuuna ugu baaqay Dowladad Kenya inaay isbedel ku sameeyaan Xeeladaha ay kula dfagaalamaan Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray  in waxa laga walaacsan yahay tahay inay dadkii weerarka ka geystay Nairobi yihiin dhallinyaro Kenyan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor