Kenya oo ka walaacsan Qoraalkii James Swan ka soo saaray Doorashada Jubbaland

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay warqad uu 17-kii bishan soo saaray ergeyga xogahayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan oo la xiriirtay doorashada madaxweynaha Jubaland.

Warqaddaas oo loo diray guddiga doorshada Jubaland ayuu Swan ku sheegay in natiijada doorashada madaxweynaha Jubaland aysan heli doonin taageero buuxda, haddii aan hanaanka doorasho lagu sameyn is-beddelo ay dalbatay beesha caalamka.

Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay walaacisay “ in James Swan uu dalabyo cusub la yimid islamarkaana shuruudo uga dhigay qabsoomidda doorashada madaxweynaha, inkasta oo guddiga doorashada uu fuliyey dalabyadii hore ee beesha caalamka.”

Warqadda ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada Jubaland “xilli uu wajahayey caqabdo adag, uu xaqiijiyey in doorashadu noqoto mid dhex-dhexaad ah oo la isku haleyn karo.”

Kenya waxay ka digtay in dib u dhac xilli dambe ah oo doorashada Jubaland lagu sameeyo ay dhaawac gaarsiin karto xasiloonnida Soomaaliya, iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Kenya ayaa beesha caalamka uga baaqday inay dowladda federaalka Soomaaliya kala shaqeeyaan taageeridda gudduga doorashada Jubaland, si hanaanka doorashada Jubaland loogu soo geba gebeeyo waqtigii loo gooyey.

Kenya ayaa dhanka kale muujisay inaysan la dhacsaneyn in ergeyga QM uu arrimaha doorashada Jubaland kala tashaday kaliya Itoobiya, marka ay timaado dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa ciidamada ku tabaruca Jubaland.

Waxay ugu baaqday James Swan inuu dib uga laabto warqaddiisa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media