Kenya oo ka hadashay dib u bilaabashada wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dib u bilaabashada wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasi oo lafilayo in dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ay sii amba-qaaado.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay Axaddii ku sheegtay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay Soomaaliya iyo Somalilland uga go’an tahay inay sii wadaan waddada wadahadaladda.

Monica Juma ayaa sidoo kale sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku heshiiyeen ama isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka dib u heshiisiinta.

Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiintaโ€ ayay tiri Monica Juma.

 

About Webmaster

View all posts by Webmaster