Kenya oo ka digtay Weeraro Alshabaab geystaan Munaasabadda Dabaaldegga sannadka cusub.

Taliyaha Guud ee Boliska dalkaasi, Joseph Boinnet ayaa sheegay in dadka Kenyaanka la geeliyey Feejignan Sare, iyadoo laga cabsi qabo inay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab soo qaadaan Weeraro ay ku soo beegan muddada ay socdaan Dabaal-degga Kirismaska iyo sannadka cusub.

Joseph Boinnet ayaa sheegay inay heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo muujinya Qorshaha Dagaalamayaasha Alshabaab ee ay ku geysan doonaan silsilado weeraro ah muddada lgu jiro dabaaldegaasi, wa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi inay cabsida weeraradaasi yihiin kuwo xaqiiqo ah, loona baahan yahay inay Hay’addaha Ammaanka adkeeyan sugidda nabadgeliyada ee goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan, gaar ahaan Xeebaha, Baararka, goobaha lagu caweeyo iyo Kaniisadaha.

Dhinaca kale, Xiriiriyaha Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, Nelson Marwa oo la hadlay Wargeyska The Star ayaa hubaal uga dhigay Dalxiisayaasha iyo Kenynka inay u soo safri karaan Goblka Xeebta, lana adkeeyey Ammaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab waxay horey wacad ugu mareen inaysan joojin doonin Hawlgalladda Weerar ee ay k geystaan gudaha Kenya, tan iyo inta ay Askart Kenya ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya waxay cabsida ugu weyn ka qabaan Xarakadda Alshabaab, waxyna ku guul-darysteen inay ka hortagaan Hawlgalladda ay Xarakadda ka geystaan gudaha Kenya.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor