Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Aamina Mohamed Jibriil ayaa hadalkaasi ka sheegtay Khudbad ay ka jeedisay Shir ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ku yeesheen Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York kaga hadleen Djismaha Nabadda Somalia.
Waxay sheegtay haddii la doonayo Nabadda Geeska Afrikaa inay Beesha Caalamka sii wadaan Kharajka lagu socodsiiyo Hawlgalka Ciiddanka AMISOM.
Waxay intaasi ku dartay in Tallaabadda ay Midowga Europe ku dhimeen Taageeradda ay siiyaan Hawlgalka AMISOM ka hor imaanayso dadaalka loogu jiro Deganaanshaha Qaraadda Afrika.
Dowladaha Midowga Europe waxay bishii Janaayo sheegeen inay 20% jareen Lacagaha Mushaaraadka ee la siiyo Ciiddanka AMISOM oo tiradoodu dhan tahay 22,000 oo Askari.
“Waa muhiim inaan sii wadno Malagelinta AMISOM iyo Hawlaha kale ee Nabad-ilaalinta ee Afriuka” ayey tiri Amina Mohamed Jibriil oo intaasi ku dartay in Dhaqaale kasta oo la jaro inaysan ku jirin Heshiiska Hawlaha Nabadda ee Qaaradda Afrika.
©Radio Dalsan