Kenya oo hanjabaad Culus u dirtay Ciidanka Dowladda Somalia

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan duleedk Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo gaar ahaan meel u dhow Xuduudka Kenya ayaa waxaa la sheegay in Bam Gacmeed ay tureen ku dhacday Magaalada Mandheera ee  W/bari ee dalka Kenya.

Bam Gacmeedkaas ayaa waxaa ka hadlay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Mandheera, iyagoo sheegay in falkaas ay sameeyeen Ciidanka Soomaaliya uu yahay mid daan-daansi ah, hayeeshee aysan aqbali doonin.

Nicodemus Nadalana oo kamid ah Saraakiisha hadashay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Kenya ay ku sugan Mandheera ay ka Jawaabi doonaan hadii uu weerar uga yimaado dhanka Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaayay Saraalka ayaa waxaa uu tilmaamay in dhawaan Ciidanka dowladda ay weerar loo adeegsaday qoriga nooca Soomaalida u taqaano Baasuukaha ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Kenya ee ku sugnaa xuduudka, iyadoo uusan geysan wax Khasaaro ah.

Hadalka kasoo yeeray Saraakiisha Maamulka Mandheera ee Gobolka Waqooyi Barri ee dalka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo kal horey halkaas dagaal geystay Khasaaro kala duwan uu ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa taabacsan Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media