Kenya oo dardar gelinayso Dhismaha Gidaarka Xuduudka ay la wadaagto Somalia.,

Dowladda Kenya  ayaa sheegtay inay dib u bilaabeen dhismaha Derbigaasi oo dhererkiisu yahay 700-KM, kaasi oo laga dhisayo Xuduudka Kenya la wdgto Somlia.

Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Fredrik Shisia yaa sheegay inay dib u bilaabeen Dhismahasi, oo ay dhisayan Ciiddanka Kenyaoo horey u joogay Xuduudkaasi,

Waxa uu tilmmy inay inta badan Dgaalamayasha Alshabaab ku  sugan yihiin wax ka yar 20-KM oo u jirta Xuduudka, isla markana ay ka soo dusaan Xuduuka ee Deegaandda Fino, Omar Jillow iyo Arabia, si ay weeraro uga geystaan gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Jeneral KT Chepkuto oo ah Madax Dhismaha Derbiga ayaa sheegay inay Dowladda Kenya soo iibisay dhamaan Agabkii looga baahnaa Dhismaha Derbigaasi.

Waxa uu u mahad celiyey Guddoomiyeha Mandera, Ali Robo iyo Hoggaamiyayaasha Deeganka oo uu ku tilmaamay inay dhiirigelin niyadda iyo Siyaasadda siiyeen Ciiddanka, tan iyo markii ay Hawsha Dhismaha Derbiga kala wreegeen Dhllinyarada Adeegga Qarnka (The National Youth Service).

©Radio Dalsan

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media