Kenya oo cadaadiska Diplomaasiyadeed ku sii xoojinaysa Somalia

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay Awoodeeda Diplomaasiyadeed isugu geystay cadaadiska ay ku hayaan Somalia oo ay ku eedeynayso dacwadda muranka xuduud-baddeedka u dhexeeya labada dal.

Wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay soo ogaadeen inay Dowladda Kenya qaadayso Tallaabooyin ay cadaadis ku saarayso Dowladda Somalia, waxaana cadaadisyadaasi ka mid ah inay la laabanayso xuquuqdii ay siiyeen Saraakiisha sarsare ee DFS, iyo inay dib u bilowday Tallaabooyinka adag ee Duullimaadyadaha diyaaradaha Somalia.

Wargeyska waxa kale oo uu ogaaday in cadaadiska Dowladda Kenya ku xoojinayso DFS ka mid tahay iyadoo xiriir saaxiibtinimo la yeelanaysa Dowlad-gobaleedyadda iyo xeellad kale oo Ciiddanka Kenya looga soo saarayo Deegaanadii ay ka joogeen gudaha Somalia ka hor inta aan  Xilliga Kala-guurka la xaqiijinin.

Maalintii shalay oo Talaado ahayd, 3 xubnood oo ka tirsan Wafdi ka socday DFS ayaa lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta  ee Nairobi, kuwaasi oo dib loogu soo celiyey magaalladda Muqdisho, kadib, markii ay Saraakiisha Socdaalka dalkaasi sheegeen  inaysan xubnahaasi wadanin Dal-ku-galka Kenya.

Saddexda xubnood ee ka tirsan Dowladda ee shalay laga soo celiyey Nairobi ayaa kala ahaa Wasiir-ku-xigeenka Biyaha iyo Tamarta, Cismaan Libaax, Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Daahir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media