Kenya oo amar culus ku soo rogtay duulimaadyada Kismaayo

Hay’adda duulimaadka rayidka ee dalka Kenya ayaa war ka soo baxay waxaa amar culus lagula duldhigay duulimaadyada ka yimaada magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Qoraalka ka soo baxay hay’adda ayaa lagu amray duulimaayadii ka imaan jiray Kismaayo ee tegi jiray Kenya in ay soo maraan gatoonka diyaadaha magaalada Wajeer ee dalka Kenya si baaritaano dhinaca ammaanka ah loogu sameeyo sida lagu yiri qoraalka hay’adda duulimaadka rayidka ee Kenya.

Madaxweynayaasha dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa horay heshiis ay u gaareen waxaa lagu kala saxiixday in duulimaadyada Muqdisho ay si toos ah uga degaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media